Baarlamaanka Itoobiya Oo Meel-mariyay Qaraar Xalliyay Murankii Doorashada ka Taagnaa.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar oggolaanayan in doorashada guud ee dib loo dhigay lagu qabto muddo hal sano gudaheed ah.

Sanadka cusub ee Itoobiya ayaa billowday 11-kii September sidaas daraaddeed doorashada waxaa la qaban doonaa kahor September sanadka soo socda.

Baarlamaanka ayaa shalay meel mariyay qaraarka. Hal xildhibaan ayaa ka soo horjeestay qaraarka, siddeedna way ka aamuseen, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Itoobiya.

Itoobiya ayaa dib u dhingtay doorashooyinka sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigray ayaa qabsaday doorashooyinka, taas oo uu “wax kama jiraan” ku tilmaantay dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy