Baarlamaanka Koofur Galbeed Oo Cod Aqlabiyad Leh ku Ansixiyay Guddiga Doorashada Madaxtinimada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta ku dhawaaqay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Guddigan ayaa ka kooban 27 xubnood, waxaana markii la magacaabay la horgeeyay Baarlamaanka, iyagoo ansixiyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, waxaana ogolaatay 93 Xildhibaan, halka 13 Xildhibaan ay diideen.

Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la qaban doonaa 17 bisha November ee soo socota, waxaana ku tartamaya Musharaxiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Madaweynaha xilka haya Shariif Xasan Xasan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Guddiggaan ka kooban 27 Xubnood,loogu tala galay qabashadda Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Bisha soo socota 17-keeda lagu wado inay dhacdo.

© Heemaal News Netwok