Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa saaka oo Khamiis ah xasaanadda ka qaaday sideed xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.
Mooshin boobsiis ah oo xalay laga shaqeeyay, ayaa saaka lagu riday sideed xildhibaan oo loo jeediyay eedaymo kala duwan, kuwaas oo si adag u mucaaradsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka, islamarkaana doonayay in ay mooshin ku ridaan.
Ku dhawaad 35 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa u codeeyay xil ka xayuubinta xildhibaannada, kadib markii xeer ilaaliyaha Puntland Golaha u akhriyay eedaymaha loo haysto xubnahaas.
Xildhibaannada xasaanadda laga qaaday waxay kala yihiin; Maxamuud Axmed Caalim, Muuse Siciid Xassan (Jajabsay), Suleebaan Faraax Ciise, Cabdiqani Abshir Surato, Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Cabdiraxmaan Maxamud Maxamed (Dhoorre),Cabdicasiis Salaad Gacmay (Baduugaaye) iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.