Heemaal News Network

Baarlamaanka Puntland Oo Ansixiyay Xeerka Diiwaan-gelinta.

Fadhiga 26-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta maalintii 2aad looga dooday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.

Fadhiga maanta oo ay joogeen 42 mudane, ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland qodob-qodob uga doodeen Xeerka oo lagu daray wax-ka-bedelka Guddiga, Wax-ka-bedelka Golaha iyo sidii hore ee lagu soo gudbiyey hindise-Xeereedka sida uu qabo Qodobka 70-aad Dastuurka Dawladda Puntland.

Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, waxa uuna ka kooban yahay 36 Qodob.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, Diidmo 2, Aamus 0 Mudane.

Related posts

Xisbiga Kulmiye Oo Gacan Ugu Hanjabay Faysal Cali Waraabe.”Hadii Uu Hadalka Xumaado Gacan ayaa Iman”

Heemaall

Talaalka COVID-19 Oo la Gaarsiiyay 12 Dal Afrikan ah.

Heemaall

Aqalka Senate-ka Oo U Codeynaya Dacwadda ka Dhanka ah Donald Trump.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More