Baarlamaanka Puntland Oo Wasiirka Maaliyada Su’aalo ka Weydiiyay Cabasho loo soo Gudbiyay.(Sawiro)

Shirka 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Cabdi Casiis Cabdullahi Cusaman,ayaa waxaa hor-tegay Wasiirka Maaliyadda Maamulka puntland.

Fadhiga maanta ee Guddiga joogtada ah oo uu hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL Xassan Shire Abgaal ayaa wax laga weydiiyey cabashooyin ay Guddiga u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL.

Cabashooyinkaas oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo. Wasiirka Maaliyadda DPL ayaa faah-faahin ka bixiyey arrinta cabashooyinka ee la soo hor-dhigay, waxaana uu sheegay in aaney marna soo gaarin Xafiiskiisa wax cabasho ah oo ku saabsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL, balse waxa uu xusay inay kulmeen Hay’adda Qandaraas-bixinta iyo Iibka DPL uuna ka qanciyey cabashadii ay ula tageen.

Wasiirku waxa uu Guddiga u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay in uu ka qanciyo Hay’adaha ku shaqada leh cabasho kasta oo ay qabaan Hay’adaha kor ku xusan, ka dib waxaa Guddigu su’aalo ka weydiiyeen cabashooyinka ka soo gaarey Hay’adahaas.

Intaa ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxu arrintaas u magacaabay Guddi ka soo talo-bixiya soona lafa gura, Guddigana warbixin ku soo celiya fadhiga 5-aad.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy