Heemaal News Network
Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga Oo la Horgeeyay Sharci Dhiirri-galin Kara Kufsiga.

Sharcigan oo hal ku dhig u ah,” guurso gabadhada aad kufsatay.” ayaa loo gudbiyay barlamaanka dalka Turkiga dhamaadka bishii hore.

Haweenka u ololeeya xuquuqda dumarka ayaa ka cadhooday sharcigan, iyagoo ku doodaya in uu jidka u xaarayo sii socoshada kufsiga isla markaana uu sharciyeyn doona guurka carruurta iyo kufsiga sharciga ah.

Wadamo badan oo ay kamid yihiin, Egypt, Jordan, Lebanon, Morocco, Tunisia, iyo falastiin ayaa hore qaawiniintooda uga saaray sharcigaan.

Sharci kan la mid ah ayaa fashilmay sanadkii 2016 kadib cadho caalami ah oo ka dhalatay.

Xisbiga mucaaradka Turkiga ayaa ku baaqay in sharcigaan la jebiyo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 38% dumarka ku nool Turkiga ay la kulmaan gacan ka hadal ama xadgudubka galmada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More