Heemaal News Network
Caalamka

Baarlamaanka Uk Oo Maanta U Codaynaaya Doorasho Cusub

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Britain ayaa maanta oo Isniin ah isku dayaya in uu ku dhawaaqo doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyo taas oo ay markale u codeen doonaan xildhibaanada.

Ra’iisul Wasaare Johnson oo waayay aqlabiyadii uu xisbigiisu ku lahaa Baarlamaanka ayaa haddana qorshihiisa ka bixitaanka Midowga Yurub waxaa sidoo kale kasoo hor jeeda ganacsatada oo cabsi badan ka qaba qorshihiisa ka bixitaanka.

Sharci dajiyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya in aysan aqbaleyn doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay tan iyo inta si buuxda looga baxayo in Midowga Yurub laga baxo iyadoona lagaarin wax heshiis ah.
Sida lagu wado xilibaanada ayaa maanta oo Isniinta ah sharcigani meel marin doono kaas oo Ra’iisul Wasaaraha ku qasbaya in Midowga Yurub uu waydiisto in loogu daro mudo sadax bilood ah.

Balse Boris Johnson ayaa horay u balan qaaday in waydiisashada waqtiga dheeraadka ah ee Midowga Yurub uu ka xigo dhimasho, isagoona ku adkeesanaya doorasho laqabto 15’ka bisha soo aadan ee October.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More