Heemaal News Network
somali

Baarlamanka Puntland Oo Ansixiyay Miisaaniyada 2021.

Xildhibaanada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2022.

Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo ka kooban $354,093,039, islamarkaana ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 45 mudane ayaa 44 kamid ah u codeeyeen ansixinta Miisaaniyadda, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Sidoo kale, Baarlamanka ayaa loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay mudda todobaad ah, si ay u soo akhriyaan.

Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in Fadhiga xiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

Related posts

Jaaliyada Somalida Ee London Iyo Shacabka Muqdisho Oo Taageeray RW Rooble.

Heemaall

Hargaysa:-“1 Luulyo Somaliland Waxay U Tahay Maalin Madaw” Siyaasi Nuuradiin Diini.

Heemaall

Olole Nadaafadeed Oo Laga Fuliyay Degmada Garbo-dadar.

Heemaall