Heemaal News Network

Banaan-bax ka Dhan ah Madaxweyne Farmaajo Oo ka Bilowday Muqdisho.(Sawirro)

Waxaa xaafado katirsan magaalada Muqdisho goordhaw ka bilowday banaan bax ay soo abaabuleen taageerayaasha Musharaxiinta, waxaana banaan baxan looga soo horjeedaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo .

Dadka banaan baxa dhigaya oo u badan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ” Doorasho Barakac sababta Doonimeyno, iyo hadalo kale oo lidi ku ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Banaan baxan ayaa hada kasoo bilowday xaafado katirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid, waxaa sidoo kale la filayaa in xaafado kale isugu soo baxaan dadka dhigaya banaan baxa looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqaya hadalo badan oo lidi ku ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowlada uu hogaamiyo, waxaana laga cabsi qabaa in banaan baxyada kusii fidaan qeybo badan oo Muqdisho kamid ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa saakay xirtay qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho soona dhoob tay wadooyinka ciidamo si ay uga hortagaan banaan baxyada Muqdisho ka bilowday.

Banaan baxan goordhaw bilowday ay soo abaabuleen taageerayaasha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in magaalada Qabasado ayna socdaan maalmo badan .

Related posts

“Somaliya Ayaa Fursad noo siisay Inay Aqoonsi ka Helno Kenya”Madaxweyne Biixi Oo Hargaysa kusoo Noqday.

Heemaall

Somali ku Dhimatay Doon ku Degtay Xeebaha Giriiga.

Heemaall

RW Rooble Oo Jawaab Deg-deg ah ka Bixiyay Hadal kasoo Yeeray Axmed Madoobe

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More