Banaan-bax ka Dhan ah Puntland Oo ka Dhacay Magalada Badhan Ee G/Sanaag.(Sawiro)

Banaanbaxaan ayaa waxaa dhigayay qaar kamid ah ah dadka qeybahooda kala duwan oo ku nool Magaalada badhan ee gobolka Sanaag, iyaga oo cabasho u diray Madaxda Sare ee Dowlad goboleedka Puntland.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo taayaro ku gubay wadooyinka magaalada Badhan ayaa waxaa ay sheegeen inay ka cabanayaan Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad oo ay sheegeen in uu kala qeybiyay 5 xubnood oo lagu daray golaha Deegaanka ee magaalada Badhan

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ugu baaqeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland in uu faraha kala baxo arrimaha la xiriira Golaha degaanka Magaalada Bahdna.

Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Maamulka puntland dhankeead weli wax jawaab ah kama bixin eedeynta ay u jeediyeen Shacabka ku nool Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy