Heemaal News Network

Banaan Baxayaal Xassan Khayre Hogaaminaayey Oo Lagu Rasaaseeyey KM4

Xiisad ciidan ayaa saaka ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegayo rasaas ka dhaceysa agagaarka Isgoyska KM4, halkaasoo banaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Midowga Musharaxiin lagu rasaaseeyay.

Ciidamada dowladda ayaa xiray waddooyin badan, si ay uga hortagaan bannaan bax ah qorsheynayeen inay maanta dhigaan Musharaxiinta.

Gawaarida gaashaaman ee ay leeyihiin Ciidamada Gorgor ayaa lagu arkayaa Taalada Daljirka Dahsoon iyo waddooyin kale.

Bannaan bax ay ka soo bilaabeen dhanka Hotelka Jazeera oo ay horkacayeen Musharaxiinta kala ah C/kariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ayaa rasaas ku bilaabatay markii ay ku soo dhowaadeen agagaarka Isgoyska KM4.

Kala carar ayaa durba goobta ka bilowday, iyadoo xaalad aan la qiyaasi karin ka bilaabatay goobta ay bannaan baxa socodka ka soo bilaabeen Musharaxiinta.

Xalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo Ilaalada musharaxiinta uu dagaal ku dhex maray agagaarka hotelka ay degan yihiin madaxweynayaashi hore oo ku dhow taalada Daljirka Dahsoon.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeen dambe

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo Kulan la Qaatay Madaxweynaha Jabuuti.

Heemaall

Booliiska Somaliland Oo ka Hadley Dil iyo Kufsi Gabadh Yar Loogu Geystay Hargeysa

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo War Adag kasoo Saaray Jadwalka Doorashada Ee la Shaaciyay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More