Heemaal News Network
somali

Banaanbax ka Dhan ah Farmaajo Oo Caawa ka Dhacay Muqdisho.

Xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan waxaa caawa ka socda dibed-bax looga soo horjeedo muddo kordhinta hay’adaha dawladda.

Waxaa dibed-baxa dhigaya dhigaya dad u badan dhalinyaro ka tirsan dadka degaanka Shiirkole, waxayna ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah Farmaajo oo ay ka mid yihiin “Dagaal sokeeye dooni meyno. Kaligi taliye dooni meyno, hoggaamiye kooxeed dooni meyno, sharci jebiye dooni meyno, doorasho diid dooni meyno” iyo qaar kale

Xaafadda Shiirkole ayaa waxay hadda fariisin u tahay taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Jen. Saadaq Joon oo ay isku dhaceen Madaxweyne Farmaajo

Saadaq Joon ayaa wata ciidamo iyo gaadiid uu kala goostay DF, waxaana xaafada Shiirkoole oo ay beeshiisu ku badan tahay lagu jaray jidadkeeda Carro ay difaac kaga jiraan ciidamada taabacsan Saadaq Joon.

Related posts

Alshabaab Oo Sheegtay Inay Bada ku Weerartay Ciidamo ka Tirsan Dawlada Somaliya

Heemaall

Haween ka Caraysan Kufsi Iyo Dil Ka Dhacay Hargeysa Oo Mudaharaad Dhigay Fariina Diray.

Heemaall

Gudoomiye Saleebaan Gaal Oo Fariin Adag Udiray Dawlada Somaliya.

Heemaall