Heemaal News Network

Banaanbax Lagu Diidan Yahay af-gambigii Milatariga ku Qabsadeen Myanmar.

Kumanaan kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay jidadka Yangon si ay u cambaareeyaan afgembiga toddobaadkii lasoo dhaafay ay sameeyeen ciidamda milataraga Myanmar, iyaga oo dalbanaya in la sii daayo hoggaamiyaha la doortay ee Aung San Suu Kyi, Waana mudaaharaadkii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah tan iyo markii ay ciidamada awoodda ku qabsadeen Dalkaan.

Dadka Banaan baxayaasha ah ayaa ku dhawaaqayya ereyo ka dhana ahaa Ciidamda oo ay kamid yihiin “Kali taliska iyo guul dareysta” waxaana ay mudaharaadayaashu ugu baaqayeen militariga in ay sii daayaan haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta Nabadda ee Aung San Suu Kyi iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigeeda NLD oo la xiray Isniintii la soo dhaafay.

Dadka kasoo hor jeeda militariga ayaa watay boorar ka dhan aha Ciidamada Dowlada, iyaga oo ku lebisnaa midabka Calanka Casaanka Cas ee Xisbiga NLD.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada saaka ayaa muujinayay booliska oo xiraya isgoysyada waa weyn ee a Insein iyo Hledan ee Magaalada Yangon, iyada oo mudaaharaadayaashu ay isku dayayeen in ay horay u socdaan.

Dowlada militariga ee Myammar ayaa isku dayday in ay aamusiso Baraha Bulsha , ee laguwada xariiro, iyaga oo si kumeelgaar ah u xanibtay Facebook, taasi oo kordhisay cadaadiska baraha bulshada ee Twitter iyo Instagram waxayna wajaheyaan xanibaadyo aad u adag.

Maamulka ayaa amar ku siiyay shirkadaha bixiya internetka in ay u diidaan macaamiisha, isticmaalka Twitter iyo Instagram “ilaa amar dambe”, Sida uu sheegay Sargaal sare oo magaciisa diiday in warbaahinta loo adeegsado.

Hay’adda Xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in la qaado xayiraadaha internet-ka, siideynta maxaabiista iyo in la joojiyo hanjabaadaha ka dhanka ah saxafiyiinta.

Related posts

Dawlada Itoobiya Oo Beenisay in Dagaalka Tigray Lagu Dilay Tobonaan Kun Oo Rayid ah.

Heemaall

Trump Oo Qirtay In Uu Masuul Ka Ahaa Qayb Rabshadihii Ka Dhacay Congress-ka

Heemaal

Waraabe Oo Si Adag Xukuumada Biixi Uga Eedeyay Dul Boobka Ka Jira Somaliland

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More