Banaanbax Looga soo Horjeedo Hirshabelle Oo ka Dhacay Magaalada Baledweyne(Sawiro)

Banaanbaxan looga soo horjeedo hab dhismeedka cusub ee maamulka Hirshabelle ayaa ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu jiray dhalinyaro, dad waaweyn iyo waliba qaar ka mid ah ardayda iskuuleyda oo la arkayay iyagoo xeran dareeska waxbarashada.

Banaanbaxayaashan ayaa socod dheer ku marayay wadooyinka waa weyn ee magaalada Baledweyne iyago ku qeylinaayay erayo ay ka mid ahayeen Hirshabelle dooni meyno.

Dibadbaxaan maanta ka dhacay Baledweyne ayaa imaanaya xili hanaanka doorasho ee Hirshabellada cusub walaac xoogan laga muujinaayo.

Ugu dambeyntii Baledweyne mahan mid ku cusub banaanbaxyada noocaan oo kale ah waxaasa xusid mudan afar sanno ka hor sidaan oo kale markii la dhisayay Hirshabelle in reer Baledweyne ay sameynayeen banaanbaxyo is daba joog ah oo ay kaga soo horjeedeen dhismaha Hirshabelle waloow banaanbaxyadaasina aysan keenin wax natiijo ah.

Related posts

Xumno Iska Casilay Gudiga Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi Ee Somaliland.(Akhriso)

Heemaall

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga Ee Qaranka Somaliya.

Heemaall

Qaramada Midoobay Oo ka Dayrisay Marxalado ka Taagan Somaliya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy