Heemaal News Network
somali

Bangiga Adduunka Oo Hakiyey Gargaarkii Uu Siin Jirey Sudan.

Milatariga dalka Sudan ayaa afgembi ku sameeyay Xukuumadii Rayidka aheyd , waxaana mar kale talada dalkaasi gacanta u gashay milatariga dalkaasi oo horey afgembi ugu sameeyay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al Bashiir.

Bangiga Aduunka oo dhaqaale ku taageeri jiray dowlada Sudan ayaa shaaca ka qaaday in ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku kaalmeyn jireen dowlada Sudan, kadib markii milatariga xoog ku rideen dowladii rayidka aheyd.

Milatariga talada Sudan la wareegay ayaa xiligan wajahaya cadaadis xoogan oo caalamka kaga imaanaya, waxaana loogu baaqayaa in markii kale talada dalka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Midowga Afrika ayaa hakiyay xubanimadii Sudan ee Midowga Afrika, dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale joojisay $700m (£508m) oo gargaar ah oo ugu tala galeen in ay ku caawiyaan dalka Sudan.

Related posts

Hayadaha Amniga Oo Laga la Shiray Sugida Amniga Caleemasaarka Madaxwaynaha

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo soo Bandhigay Arimo Lid ku ah Wasiirka Xananada Xoolaha.

Heemaall

Itoobiya Oo ku Dhawaaqday Inay Wada-hadal la Galeyso Kooxaha kasoo Horjeeda

Heemaall