Heemaal News Network
somali

Barakac Saaka ka Bilowday Xaafado ka Tirsan Muqdisho.

Barakac xoogan ayaa ka bilaawday aroornimadii hore ee saakay qaar ka mid ah xaafada Siigaale, iyo agagaarka mowlaca Macalin Nuur iyo waliba xaafado kale oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Barakaca dadkan shacabka ah ayaa yimid kadib markii cabsi xoogan aay ka muujiyeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan oo ka jira xaafadahaasi taaso sababi karta mar walbo inuu qarxo dagaalo laga cabsi qabo iney dhexmaraan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mucaaradka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga dowladda Fedaraalka.

Xaafadaha ay dadka sida aadka ah uga barakaceen ayaa waxaa kamid ah Xaafada Siigaale ee degmada Hodan, Xaafada Shanta Geed ee degmada Howl-wadaag iyo xaafado kale, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay fariisimo Cusub ka sameysteen Ciidamada Mucaaradka.

Wadooyinka ayaa saaka lagu arkayay dad barakacaya oo u badan Hooyooyin, Caruur, iyo dad waayeelo ah, kuwaas gacmaha iyo garbaha ku sitay alaabo yaryar oo aay ka qaateen guryahooda.

Inkastoo xaalada Muqdisho aay haatan tahay mid degan ayaa hadana dadku waxay dareemayaan welwel xoogan oo la xiriira dagaalo ka dhex qarxa dhinacyada isku haaya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Related posts

Raysal Wasaarihihii Lubnaan Oo Maanta Is-casilay.

Heemaall

Maxaabiis Iyo Askar la Fariisatay Ardayda Imtixaanka Fasalka 8-aad Ee Deegaanka Somalida Itoobiya.

Heemaall

Nin Watay 6 Caruur Ah Oo Looga Shikiyay Inuu soo Xaday Oo Lagu Qabtay Hargaysa

Heemaall