Barasaabka Awdal Oo Kulan Deg-deg ah Caawa Iskugu Yeedhay Laamaha Dalada Ee ka Hawlgala Gobolka.

Barasaabka gobolka Awdal mud. Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa caawa kulan deg deg ah iskugu yeedhay laamaha dawlada ee ka hawlgala gobolkaasi Awdal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka Awdal ayaa lagu lafo guray sidii loogu diyaar garoobi lahaa dabaylo la sheegay inay kusoo fool leeyihiin xeebaha gobolka islamarkaasin bulshada ku teedsan xeebaha degmooyinka Saylac iyo Lughaya loogu samayn lahaa daad-gurayn iyo wacgigalin dhinaca dabaylaha ah.

Isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka Awdal Mud. Mustafe Muumin oo Shabakada u xaqiijiyay kulankan ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan u diyaar garoobeen dabaylahaasi isagoo arimahaasika hadlaya ayaa waxa uu yidhi,

“kulankan caawa waxa uu ahaa sidii loogu sii gurman lahaa dadka xeebaha runtii waxa uu ahaa kulan wanaagsan oo nalagu sii baraarujinayay inaanu ka hor dabaylaha aanu waxii la qaban karo ay laamaha dawlada kasii hawlgalaan,runtii anagu ka wasaarad caafimaad ahaan hore ayaanu usii qorshaynay sideed gaadhi oo ah kuwa gurmadka deg dega ah iyo kuwo kale oo ka qayb qaadanaya daadguraynta dadka jilicsan iyo wacyi galintaba,waxaana qorshaysanay inaanu bari usii anbobaxno deegaanadaasi.

Sidoo kale iskuduwaha ayaa sheegay inay sii dirayaan kooxo caafimaad oo iyaguna kaqayb qaadanaya howgalka ka hortaga dabaylaha,waxauuna Alle ka baryay inuu ka samatabixiyo bushada xeebaha oo uu timaamay inay yihiin dad nugul islamarkaasina aan kasoo kaban duufaanadii kal hore ka dhacay deeganadaasi ku teedsan xeebaha gobolka Awdal gaar ahaan degmada Lughaya.

© Heemaal News Netwok