Heemaal News Network

Barlamaanka Jaamacadda Carabta Oo Taageero U Balan-qaaday Somaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi ayaa soo dhoweeyay shirka golaha wadatashiga qaranka ee udhaxeeyay madaxda dowladda federaalka,kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo ee ahaa in la qabto wadahadal wadatashi ah bishaan Febraayo 15-keeda iyo 17-keeda, si loo gaaro hishiis loona qabto doorasho, wallow shirkaas uu dib u dhac ku yimid.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta wuxuu ugu baaqaya dhammaan dhinacyada Jamhuuriyadda Federlka Soomaaliya inay si wax ku ool ah uga qayb-galaan wadahadalkaan oo ay muhiimada koowaad siiyaan danaha guud ee qaranka , si loo gaaro heshiis qaran oo ballaaran kaasi oo ogolaanaya, qabashada doorashooyinka qaranka sida ugu dhakhsaha badan, si kor loogu qaado amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Al-Casumi wuxuu cadeeyay mowqifka adag ee baarlamaanka carabta ee ku Aadan taageerad dhammaan dadaalada loogu talagalay in lagu gaaro is afgarad qaran oo dhameystiran isaga oo ugu baaqay wadamada carabta inay xoojiyaan furfurnaantooda ayna horumariyaan xiriirkooda Jamhuuriyada Soomaaliya heer kasta iyo dhinac walba.

Related posts

Wasarada Ciyaaraha Oo Shaacisay Waqtiga la Bilaabayo Tartanka Horyaalka Somaliland.

Heemaall

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Dooday Xeerka Aaga Cashuuraha Ka Caagan.

Heemaall

Haayo Umul Ah Iyo Caruur Ay Dhasahay Oo Lagu Dilay Warsheekh

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More