Bas Ay Saarnaayeen Kooxda Borussia Dortmund Oo La Qarxiyey

Bas ay la socdeen ciyaartoyda kooxda Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka ayaa qarax lala beegsaday xili ay ku sii socdeen garoonka Signal Iduna Parka oo xalay ay ku lahaayeen ciyaar ay fooda isku dari lahaayeen kooxda AS Monaco.

Ciyaartan ayaa aheyd lugta koowaad ee sideed dhamaadka koobka horyaalka qaarada Yurub ee loo yaqaano UEFA Champions League.

Wararka ayaa sheegaya in xiddiga reer Spain ee Marc Barta isbitaalka uu dhaawac ka soo gaaray qaraxyadaas, iyadoo wararka soo baxayana ay sheegayaan in xaaladiisu aysan qatar aheyn.

Booliiska Germany ayaa qoraal kooban oo uu isna soo saaray ku yidhi: “Goobta Dortmund waxaa ka dhacay qaraxyo Waxaanu xoog wayn ku joognaa goobta, makala cada xaalada”.

Kooxda Dortmund ayaa xaqiijisay in saddex qarax kooxdeeda lala beegsaday waxaana qoraal ka soo baxay Dortmund lagu yiri: “Waxaanu xaqiujin karaa in guud ahaan saddex qarax ay ka dhaceen goobta uu joogay buska teamku joogay”.

Qaraxan ayaa la sheegayaa in uu qayb ka mid ah kuraastii buska Dortmund burburiyay balse aanu khasaaruhu u badnayn sida ay wax u dhaceen.