Bashiir Good Oo Maanta si Rasmi ah ula Wareegay Xafiiska Wakiilka Maamulka Soomaaliland U Jooga Dalka Mareykanka.(Sawiro)

Bashiir Sheekh Cumar Good ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska Wakiilka maamulka Soomaaliland u jooga dalka Mareykanka ,xilkaasoo uu madaxwayne Biixi U magacaabay Dhawaan.

Bashiir Good oo kamid ahaa la taliyaasha Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isaga tagay shaqadii uu ka hayay Xafiiska Kheyre, waxaana masuulkan maamulka Muuse Biixi u magacaabeen in uu Wakiil uga noqdo dalka Mareykanka.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey xilal ugu magaacabay masuuliyiin xilal kasoo qabtay maamulka Somaliland, waxaana masuuliyiin horey uga tirsanaa maamulka Somaliland ku jiraan golayaasha kala duwan ee dowlada Federaalka .

Maamulka Somaliland ayaa horey cafis ugu fidisay xubno xilal kasoo qabtay dowlada Soomaaliya , waxaana xubnahaasi kamid ah Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xirsi iyo masuuliyiin kale.

© Heemaal News Netwok