Heemaal News Network
somali

Baydhabo Oo Lagu Xir-xiray Siyaasiyiin Dhaliilay Siyaasada Madaxwayne Laftagareen.

Ciidamada Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ay xireen Ex Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black) oo ka tirsanaa Baarlamaankii 1aad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan hore Xasan Black ayaa Ciidamada Booliska kala deggeen gaari uu la socday sabtidii, mar uu marayay inta u dhaxeyso Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud iyo Saldhigga Dhexe ee Baydhabo, isaga oo kusii jeeday Hoygiisa oo ku yaal Magaalada Baydhabo.

Laamaha Amniga & mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah fahin ah kama bixin sababaha loo xiray Ex Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black), hayeeshee waxaa xusid mudan in maalmihii la soo dhaafray uu dhaliilayay siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in ka hor inta uusan tegin Magalada Baydhabo Xasan Black uu Magaalada Muqdisho uga qaybgalay shirar looga hadlayay tacadiyadii Ciidamada Booliska ka gaysteen Magaalada Baydhabo, bishii December ee sanadkii 2018, markaasoo dadweynaha reer Baydhabo ka gadoodeen xarigii Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Related posts

Kalfadhigii Ugu Horeeyay Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Looga Dooday Dhawr Xeer.

Heemaall

Beesha Caalamka Oo si Caro Leh Uga Jawaabay Muddo Kordhinta Farmaajo loo Sameeyey.(Akhriso)

Heemaall

Wafdi ka Socday Sacuudiga Oo Dawlada Somaliya kala Hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

Heemaall