Heemaal News Network

Beesha Caalamka Iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda Oo Shir Hadda U Socdo

Iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo uu ku eg yahay 8 February oo ah maalimada berri ah ayaa waxaa socda kulan gaar ah oo ay qadka Zoom-ka u socdaa Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Warar hoose ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, waxaana shirk aka maqan Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis xasan maxamed Lafta-gareen oo galabta dib ugu soo laabtay Magaalada baydhaba.

Waxaa la filayaa in shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka loo qabto Dowlad Federaalka iyo Dowad Goboleedyada, si dalka looga saaro xilliga kala guurka, waxaana jira hadal hayn xooggan oo ku aaddan xaalada uu dalka geli karo kaddib 8 February oo uu ku eg yahay Xilka Madaxweyne farmaajo.

Related posts

Joe Biden Iyo Uhuru Kenyatta Oo ka Wada-hadlay Arimo Dhawr ah.

Heemaall

Wasiirka Waxbarashada Kenya Oo Dalbaday In Dib loosoo Celiyo Garaaca Ardayda Iskuulada.

Heemaall

Wasiirka Amniga Somaliya Oo Amar Digniin ah Dul-dhigay Taliyeyaasha Amniga Muqdisho

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More