Heemaal News Network
somali

Beelo Colaadi Dhex Martay Oo Qabridahar Laga Heshiisiiyay

Waxaa Magaalada Qabri-dahar ee dowlad degaanka Soomaalida lagu soo gabagabeyay Heshiis Nabadeed oo laka dhex dhigay laba beelood wadaaaga degmada Shilaabo, kuwaas oo dagaal khasaaro geystay uu dhexmaday.

labada Beelood ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban 6 qodob, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka labada Beelood, waxaana qodobada ay ku heshiiyay kamid ah.

1. Bixinta magta Afar iyo Toban (14) qof oo Todobo (7) qof ay bixinayaan beesha Muuse Gumcadle, Todobo (7) qofna ay bixinayaan beesha Mareexaan, laguna bixiyo muddo dhan Afar (4) bilood gudahood;

2. In la xaqo wixii dhaawac ah marka dhiiga la kala qaato kadib;

3. In lagu bixiyo duugta sadexda (3) nin ee dilkoodu ka dambeeyey heshiishkii Caleen mudo 10 cisho gudahood ah, iyadoo Laba (2) nin laga bixinayo midkiiba 50,000 Birr, maadama ay ku dhinteen dagaal, halka hal (1) nin laga bixinayo 100,000 oo Birr madama la dilay isagoon dagaal kujirin;

4. In ay dawladu bixiso magta ninka Muuse Gumcadle ee la garan waayay cida dishay, gaar ahaan Xafiiska Nabadgelyada DDS maadama loo arkay inay maslaxadu kujirto;

5. In la dhaqan-galiyo xabad-joojinta ay saxiixeen odayaal dhaqameedka labada beelood;

6. Cidii jabisa heshiiska waxaa lagu fulin ganaaxii la dhigay heshiiskii Caleen;

Gabo’gabadii waxa ay odayaasha labada dhinac qalinka ku duugeen qodobadan sare ku xusan.

Related posts

Golaha Nabadda Midowga Afrika Oo Digniin Culus Udiray Al-shabaab.

Heemaall

James Swan Oo Dalab Deg-deg ah U Diray Madaxda Saddex Maamul-goboleed.

Heemaall

Nairobi:-Dacwado Dilal ah Oo loo Haysto Axmed Rashiid Oo Weji Cusub Yeeshay.

Heemaall