Heemaal News Network

Beesha Caalamka Oo Dadaal Ugu Jirta Baajinta Kulanka Baarlamaanka Ee Mooshinka Muddo Kordhinta

Warar aan helayno ayaa sheegaya in xubnaha Beesha caalamka ay wadaan qorsho lagu baajinaayo kulanka Baarlamaanku yeelanaayo oo la iclaamiyay inuu maalinta beri ah oo Sabtiga ah uu hortago madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka ay madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen inuusan ka soo tagin magaalada Dhuusamareeb ilaa heshiis rasmi ah laga gaaro shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan baarlamaanka ayaa la filaya in la keeno mooshin muddada loogu kordhinay madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Wakiilada Beesha Caalamka ay xiriiro toos ah la sameeynayaan dhinacyada ku shirsan magaalada, islamarkaana ku kala aragti duwan qaar ka mid qodobada laga doodayo shirka, si uusan u fashilmay shirkaasi.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah arinta gobolka Gedo, maadaama weli aan heshiish rasmi ah laga gaarin qodobkaasi.

Related posts

Awdal: Xoolaha Waxaan U Iib Gaynaa Saylada Jabuuti

Heemaal

Puntland Oo Shuruud ku Xirtay Siideynta Maxaabiis ay Galmudug ka Dalbatay

Heemaall

Daawo Madaxwayne Biden Oo Wadahadal la Yeeshay Madaxa Ciidamada NATO.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More