Beesha Caalamka Oo ka Hortimid Nuuca Doorasho Ee ku Heshiiyeen DF iyo Maamul Goboleedyada.(Akhriso)

War Saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in ay ka xun yihiin nuuca doorasho ee ku heshiiyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in hanaanka doorasho ee la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka

Saaxiibada beesha caalamka waxay garwaaqsan yihiin heshiiskii ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF), heshiiskaas oo la xiriira geedi-socodka doorashooyinka 2020/21.

Waxay qirayaan in heshiiskan uu ka dhashay wadahadal ay Soomaali garwadeen ka tahay isla markaana ay Soomaali leedahay, kaas oo dhexmaray madaxda DFS iyo DGXF, waxayna saaxiibadu fahamsanyihiin in qaar ka mid ah faahfaahinta geedi-socodkii lagu heshiiyay aan weli la caddeynin, oo saamilley dheeraad ah lagala tashan karo.

Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay.

Iyadoo la eegayo mustaqbalka, saaxiibada beesha caalamku waxay dhiirigelinayaan in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada caalamiga ah ee khuseeya xuquuqul insaanka. Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan khariidad/tub ay la socdaan bartilmaameedyo qeexan, oo ay ku heshiiyaan madaxda siyaasadda Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumar demoqoraadiyadeed dhab ah/la taaban karo oo horay loogu sii socdo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyagoo yeelanaya wadahadal iyo isu-tanaasul si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay.

Dalalka Warsaxaafadeeska Warsaxaafadeeska saaray ayaa waxaa ay kala yihiin Belgium, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Japan, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Suudaan, Sweden, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy