Heemaal News Network
somali

Beesha Caalamka Oo ka Xumaatay Hal Arin Oo ka Dhacday Doorashadii Somaliland.

Wakiilada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhaweeyay doorashadii golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee dhawaan ka dhacday maamulka Somaliland ay ku tartamayeen sadex xisbi .

War saxaafadeed kasoo baxay qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Somaliland ka dhabeesay balan qaadkeedii doorashooyinka, geeddi socodka ka qeybgalka siyaasadda iyo xoojinta dimuqraadiyadda.

“Saaxiibada Caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Somaliland, xisbiyada siyaasadda, guddiga doorashooyinka qaran iyo hay’adaha kale ee dowladda sida wanaagsan ee ay u hirgaliyeen doorashadii baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka iyo habsami u socodka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha caalamka.

Warka kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay in doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanka ay kusoo baxeen xubno kasoo jeeday beelaha la heebsooco.

Beesha Caalamka aya asidoo kale sheegtay in ay xunyihiin hoos u dhaca matalaadda haweenka, iyagoo ku boorriyay maamulka iyo xisbiyada Somaliland inay xaqiijiyaan doorka haweenka ee doorashooyinka mustaqbalka.

Warkan sida wadajirka ah uga soo baxay Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Holland, Norway, Sweden, Switzerland, United Kingdom, ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta Somaliland.

Related posts

Antonio Guterres Oo Madaxda Somaliya Ugu Baaqay Inay Dib Ugu Noqdaan Wada-hadalo.

Heemaall

Dibad-bax ka Dhan ah Farmaajo Oo Caawa ka Socda Qeybo ka Mid ah Muqdisho.

Heemaall

Banaanbax ka Dhan ah Farmaajo Oo Caawa ka Dhacay Muqdisho.

Heemaall