Heemaal News Network
somali

Beesha Caalamka Oo Kulan La Qaadatay Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Xalay waxaa Xalane kulan ku yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka C6+, iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii uu fashil ku dhamaaday shir ay yeesheen DFS iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed eedda saareen Jubbaland iyo Puntland, waxaana ay codsadeen in la fasaxo oo dib deegaanadooda ugu laabtaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wakiilada Beesha Caalamka ka diideen dalabkaa, iyaga oo ka baryay in ay sii joogaan Muqdisho, ilaa shirku dhamaanaayo.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa weli ka quusan dadaalkooda ku aadan sidii madaxda Soomaalida la isugu keeni lahaa, waxaana la filayaa in Maanta la kulman Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland.

Related posts

Trunp Oo ku Goodiyay Inuu Wacdaro Tusi-doono Biden Doorashada 2024-ka

Heemaall

Madaxwayne Sisi Oo Mar kale Digniin U Diray Itoobiya kadib Fashilkii Wada-hadallada Niil.

Heemaall

Wuxuu Jabiyey Xeerka Covid, Wuxuuna U Dhintay Jimicsi Lagu Ganaaxay

Heemaal