Heemaal News Network

Beesha Caalamka Oo Musharaxiinta U Balan Qaaday In Doorasho Hufani Dhacayso

Waxaa galabta Jazeera Hotel ku soo gaba gaboobay kulan aalada la iska arko ku dhexmaray Midawga Musharixiinta iyo Wakiilada beesha Caalamka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay xaalada uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha doorashada ayaa murashaxiinta joogay waxaa ka mid ahaa, Xasan Sh. Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Shariif xasan Sh Adan. Iyo Xasan Cali Khayre

Besha Caalamka wakiiladooda waxaa kamid ahaa Wakiilka Qaramada midoobay Iyo Shan Safiir oo ka socday dawlado iyo urur goboleedyo.

Midawga musharixiinta waxay si cad u sheegeen mowqifkooda doorasho ee ah inay dhacdo doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay, waxay sheegeen in aanay mar naba aqbalayn sida ay Villa Somalia hadda wax ku wado.

Wakiilada Beesha caalamka waxay ballan qaadeen inay ka shaqayn doonaan in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay.

Related posts

Maraykanka Oo Xeebaha Somaliya ka Bilaabay Howlgalka Octave Quartz.

Heemaall

Trump Oo Qalalaase Iyo Olole Ka Wada Gobolka Georgia Oo Uu Booqday

Heemaal

Hoggaamiyihii Mucaaradka Ee Dalka Ruushka Oo la Xiray

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More