Heemaal News Network

Beesha Caalamka Oo Qodobo Dhawr ah Uga Digtay Madaxda ku Shirsan Dhuusamareeb.(Akhriso)

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH

Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay soo dhoweynayaan kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb. Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.

Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab horay loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah.

Saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale ugu baaqayaan dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaaraan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Related posts

“M/Biixi Ayaa Diidan In Murashax Kasoo Jeeda Bariga Uu Iska soo Sharaxo Hargaysa”Abwan Daaha Gas

Heemaall

Qaar ka Mid ah Ardayda Somaliyeed Oo Laga soo Saaray Gobolka Tigrey

Heemaall

Alshabaab Weerartay Gudoomiyaha Luuq Oo Dhamaantood Dil Iyo Qabsho Laga Dhigay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More