Heemaal News Network
somali

Beesha Caalamka Oo si Caro Leh Uga Jawaabay Muddo Kordhinta Farmaajo loo Sameeyey.(Akhriso)

Dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si weyn uga argagaxay horgeynta maanta ee Golaha Shacabka hindise sharciyeed soo jeedinaya in lagu beddelo heshiiskii 17-kii Sebtember loo maro hannaan doorasho oo ka dhalan doona muddo-kordhin dheeri ah oo ku timaadda waajibaadka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Tallaabadani waxay wiiqi doontaa sharcinimada hay’adaha qaranka waxayna caddeyn doontaa kala qeybsanaan qoto dheer oo dalka ka jirta.

Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aanan taageeri doonin geeddi-socodka siyaasadeed ee barbar socda, doorashooyinka qayb ahaanta ah, ama dadaallada cusub ee horseedaya in la kordhiyo waajibaadkii hore. Hindise sharciyeedkan ayaa caqabad weyn ku noqon doona wadahadalka wuxuuna sii wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Hindise sharciyeedka noocan oo kale ah wuxuu sidoo kale sii daahinayaa qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ay sugayaan dadka Soomaaliyeed.

Iyadoo lagu saleynayo horumarka hadda jira, la-hawlgalayaasha caalamiga ah waxay dib-u-qiimeyn ku sameyn doonaan xiriirkooda laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya, si loogu daro dhimista ka-qaybgalka iyo kaalmaynta, mararka qaarkoodna waxay tixgelinayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin ka noqoshada aqoonsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beegsiga shaqsiyaadka cunaqabateynta iyo safarada. hogaamiyaashaas oo caqabad ku ah horumarka.

Waxaan ku qanacsanahay in hirgalinta heshiiskii 17 Sebtember ay wali tahay wadada ugu wanaagsan ee wax lagu qaban karo sidaa darteed waxaan ku boorineynaa Dowlada Federaalka iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalada si loo heshiiyo wadada loo marayo Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada hal dhinac oo kicin kara xiisadaha.

Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay bixiyaan xafiisyo wanaagsan si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17 Sebtember.

-DHAMMAAD-

Related posts

Dad ku Dhintay Dagaal Maanta ka Dhacay Xadka Goballada Tigray iyo Amxaarada.

Heemaall

Gobolka Gaddo Oo Qaadacay Qodobo Ku Jira Heshiiska Doorashaada

Heemaal

Puntland Oo Sheegtay Inay Dagaalkii Daacish Uga Dishay 24 Xubnood.(Sawiro)

Heemaall