Heemaal News Network

Bidan Oo Shiinaha Kala Hadlay Xaaladahii Uu Murgiyey Trump

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka la wareegay khadka telefonka kula hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Qodobada ugu muhiimsan oo ay labada hogaamiye ka wadahadleen ayaa la sheegay in diirada lagu saaray xiisada u dhaxeysa labada dal ee dhanka ganacsiga iyo waliba cadaadiska ay xukuumada Shiinaha ku heyso shacabka muslimiinta ah ee ku nool gobalka Xinjiang, caburinta shacabka Hong Kong iyo hanjabaada Shiinaha ku hayo Taiwan.

Wadahadal labada hogaamiye ayaa lagu beegay Arbacadii shalay kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu amar kusiiyey militariga Maraykanka inay soo dajiyaan qorshahooda ku aadan wadanka China iyo xiisadaha ka jira qaarada Aasiya.

Biden ayaa dhinaca kale sheegay in uu diyaar u yahay in dalka China uu kala shaqeeyo ama iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ka hortaga cudurka Covid19, cimilada isbedalaysa iyo xakameynta hubka halista ah.

Related posts

War Laga soo Saaray Duqeyn Lala Beegsaday Warshad Uu Shiinaha Maalgeliyay Ee Tigrey

Heemaall

Qaramada Midoobay Oo Dalab Hor-dhigtay Xukuumada Abiy Ahmed.

Heemaall

Khayre Oo ka Waramay Waxa Uu Qaban-doono Marka Madaxwayne loo Doorto.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More