Heemaal News Network

Biden Oo Khaliifay Buttigien Oo Ay Mar Isla Il Darnaayeen

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka Joe Biden ayaa u xushey Pete Buttigieg, in uu hoggaamiyo Waaxda Gaadiidka ee maamulkiisa cusub.

Buttigieg ayaa mar ahaa qof ay aad u xifaaltameen Biden intii uu jirey ololihii is-reeb reebka xisbiga Dimuqraaddiga ee qofka u matali lahaa tartanka doorashada, kaasi oo Biden uu ku guuleystay.

Buttigieg, oo horey u soo noqday duqii magaalada South Bend, ee Indiana, ayaa ololihiisa oo dar-dar ku billowdey kadib uu hoos u dhacay, taas oo sababtay in uu tartanka ka haro islamarkaasina uu taageero u muujiyo Biden.

Biden ayaa 38 jirkan Buttigieg la meel dhigay sida wiilkiisa Beau oo u dhintay cudurka cancer-ka.

Related posts

Ciidamada Itoobiya Oo Dhalinyaro ka Qafaashay Gudaha Kenya Iyo Xiisad Oo Cirka Isku Shareertay.

Heemaall

Somaliland Oo Kumanaan Kun Dollar ku Bixisay Qorsho ay Baraha Bulshada ka Waddo.

Heemaall

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Oo Is-casilay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More