Heemaal News Network
somali

Bidya Devi Oo Kala Dirtay Baarlamaanka Dalka Nepal

Madaxweynaha dalka Nepal, Bidya Devi Bhandari, ayaa kala dirtay Baarlamaanka dalkaas, waxayna ku baaqday in doorasho la qabto bisha November ee sanadkaan.

Wajiga koowaad ee doorashada ayaa la qaban doona 12-ka November halka wajiga labaad la qaban doono 19-ka November.

Xiisadda siyaasadeed ee dalka Nepal ayaa kacsanayd waayadan, iyadoo xisbiyada mucaraadku ay dalbadeen in la dhiso xukuumad cusub oo dalka ka saarta wareerka siyaasadda iyo dhibaatada karoonaha.

Khubarada dastuurka ayaa sheegaya in dood badan ka dhalan doonto kala dirka Baarlamaanka, waxaana la filaya in maxkamadda sare ka hortimaado go’aankaanka madaxweynaha.

Related posts

Madaxweynaha Jubaland Oo Amar Dul-dhigay Golaha Wasiirada Cusub.(Sawiro)

Heemaall

Xukun Lagu Riday Wadaad ku Xadgudbay Tilmaamaha COVID-19.

Heemaall

Turkiga Oo War kasoo Saaray Xiisadda ka Taagan Ukraine Iyo Ruushka

Heemaall