Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay Hargeysa, iyaga oo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka kasii sagootiyay Wasiiro iyo mas’uliyiin kale oo ka tirsan maamulka Soomaaliland, waxaana la sheegay in uu la kulmi doonaan Uhurru Kenyatta, sida ay ii xaqiijiyeen qabanqaabiyayaasha kulankani.
Uhuru Kenyata ayaa urursanaya dhamaan mucaardka Soomaliya si uu cadaadis ugu saaro dawlada fadaraalka oo kaga xoog waynaatay siyaasadda arimaha dibadda, dhawaan ayaan ahayd markii uu kulan la qaatay xubnaha u tartamaya xilka madaxweynaha ee mucaardka ah.