Heemaal News Network
somali

Binjamin Natanyahu Oo Maanta Maxkamad La Soo Taagay

Maxkamad ku taala magaalada Qudus ayaa maanta dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah raisal wasaaraha Israel Binjamin Natanyahu oo loo haysto musuq maasuq.

Asagoo wata dhar mad madow ayuu soo galay maxkamada waxaana dacwad oogayaasha gudoonka maxkamada u gudbiyeen cadaymo ay sheegeen inay ka hayaan Natanyahu kuwaasoo ay ku cad yihiin sida uu wax isku dabo mariyay inta uu xafiiska joogo.

Dacwad oogayaashu waxay ku eedeeyeen r/wasaare Natanyahu inuu shirkado ka qaatay lacag laaluush kuwaasoo uu u fududeeyay qandaraasyo ay u baahnaayeen intii u dhaxayday sanadihii 2018 illaa 2019.

Binjamin Natanyahu waa uu beeniyay eeda loo jeediyay inkastoo willi gudoonka maxkamadu willi go’aan gaarin.

Related posts

R/Wasaare Rooble Kulan la Qaatay Safiirka Dowladda Kenya U Fadhiya Somaliya.(Sawirro)

Heemaall

“Waxa Naloo Adeegsadey Rasaas.”Arday Cabasho la Hortagtay Wasaarada Waxbarashada Hargaysa.

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Ganacsatada Somaliland ka Dalbatay Lacag Lagu soo Iibiyo Talaalka Covid 19.

Heemaall