Heemaal News Network
somali

Booliiska Awdal Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Calanka Somaliya Ugu Dabaal-dagay 26-ka June.(Sawiro)

Ciidamada Booliska ee gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabay dhalinyaro magalada Borama ugu dabaaldagay calanka Somaliya maalinta xoriyada ee 26-ka June, kuwaasoo tiradoodu lagu qiyaasay 70.

Dhalinyaradan oo iskugu jiray hablo iyo wiilal ayaa iska duubay Muuqaalo aad loogu faafiyey baraha bulshada iyagoo u dabaaldagayey saaka xuska 26 June, kuwaasoo ku lebisnaa calanka buluuga ah ee Somalia.

Waxay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah magaalada Boorama iyagoo sameynaya dabaaldegyo la xiriira munaasabada 26-ka Juun.

Ciidamada Booliska ee saldhiga Boorama oo arrintaasi ka war helay ayaa soo gaaray goobta, kuwaasoo la sheegay iney qab-qabteen qaar ka mid ah dhalinyaradan oo xabsiga loo taxaabay, mana jirto weli wax war ah oo booliiska Awdal ka soo saareen dhacdadan.

Somaliland ayaa degaanada hoostaga ka mamnuucay in lagu dhex calanka Somalia lagu labisto iyo in la qaato astaamo laga sameeyey, waxaana horey degaanada maamulkaasi loogu xiray dad arrimaha noocan ah lagu eedeeyey.

Related posts

“Anigu Waxan Gudoomiye Gole ku Noqday Isbahaysi,Ma Maantuu Xaaran Noqday” Ciro Oo U Jawaabay Kulmiye

Heemaall

Awdal:-Xildhibaan Wakiilada ka Tirsan Oo si Adag Uga Hadlay Xiisad ka Taagan Banka Wajaale

Heemaall

Dhalinyaro kasoo Baxsatay Askartii la Geeyay Eritrea Oo soo Gaaray Garowe.

Heemaall