Heemaal News Network
somali

Booliiska Indonesia Oo Qabtay Nin kusoo Safray Aqoonsiga Xaaskiisa.

Booliska dalka Indonesia waxay gacanta ku dhigeen Nin iska dhigayey Haweeney oo ku safrayey Dukumentiyada Aqoonsiga Xaaskiisa iyo Caddeynteeda Baaritaanka inaan iyada laga helin COVID 19.

Ninkaasi oo magaciisa loo soo gaabiyey DW oo horey looga helay COVID-19 waxa uu raacay Diyaaradda Shirkada Citilink ee qiimo jaban oo isaga kala gooshaysay caasimada dalkaasi ee Jakarta iyo magaalladda Ternate oo ku taalla W/Bari ee dalkaasi.

Ninkaasi oo Niqaabka ku qariyey jirkiisa ilaa lugihiisa ayey u suurto-gashay inuu Diyaaradda raaco, iyadoo aan laga shakanin Muuqiisa iyo Aqoonsiga uu ku dhoofayey.

Balse, xaallada waxay kashifantay, xilli ay Diyaaradda Hawada ku jirtay, kadib, markii mid ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda uu arkay Ninkii ku labisnaa Labiska Dumarka oo sii galaya Suuliga Diyaarada, kadibna soo baxay isagoo soo xiray dharka u gaarka ah Ragga.

Ninkii Shaqaalaha waxa uu arrinkii ku wargeliyey Duuliyihii, kadibna waxay la sii wadaageen Madaxda Ammaanka ee Garoonka magaalladda Ternate.

Markii ay Diyaaradii caga-dhigatay Garoonka waxay Saraakiisha Garoonka gacanta ku dhigeen Ninkii ku safrayey Dukumentiyadii Xaaskiisa, waxayna ku Karantiileen gurigiisa.

Wararka waxay sheegayaan in Ninkaasi loo gudbin doono Maxkamadda marka uu dhamaysto Karantiilka, Donna looga baaro COVID-19.

Related posts

Natiijada Hordhaca Ah Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Lagu Dhawaaqay

Heemaall

Wasiirka Diinta Somaliland Oo ka Horyimid Culimada Somaliya Oo Cafis Uga Dalbtay M/Biixi.

Heemaall

Madaxweyne Qoor-qoor Oo Magacaabis Sameeyay.(Akhriso)

Heemaall