Heemaal News Network

Booliiska Itoobiya Oo soo Bandhigay Hub Fara-badan Oo ay Gacanta ku Dhigeen.

Booliska magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo banbaanooyin si sharci daro ah lagu heystay .

Baaritaano ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada ayey sheegeen in 113, isugu jira qoryo iyo bistoolado ay ka heleen degmada Nefassilk Lafto ee ka tirsan Addis Ababa .

Hubkan ayaa boolisku tilmaameen in laga helo guryo iyo xafiisyo kala duwan oo xaafadaasi ku yaala.

55 qori oo ah nooca AK-47 iyo 19 garneyl oo kuwa gacanta ah ayaa ka mid ah hubka la qabtay.

Sidoo kale booliska waxa ay sheegeen in ay qabteen $64,000 .

Booliska ma sheegin dad ay soo qabteen oo arintan lala xiriirinayo inta ay ku guda jireen howlgalka qorsheysan ee hubka lagu soo helay.

Related posts

Marooko Oo Heshiis La Gashay Israa’iil

Heemaal

Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Jidh Dilkii Loo Gaystay Wariye Hoodo Garays

Heemaall

Somaliya Oo Lagu Eedeyay Inay ka Gaabisay Baaritaanka Shaqaalihii Caafimaad Ee Lagu Dilay Golalay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More