Heemaal News Network
somali

Booliiska Kenya Oo Gacanta ku Dhigay Burcad sidii Dumarka U Labistay.(Sawiro)

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Nairobi kusoo qabtay labo nin oo burcad ah oo mid kamid ah xiligii la qabanayay uu xirnaa dharka ay dumarka caanka ku yihiin.

Burcadan ayaa ciidamada booliiska gacanta ku dhigeen xili ay isku diyaarinayeen in ay dhac geestaan, waxaana labadan nin iyaga oo baxsanaya lagu qabtay xaafada Langata ee katirsan magaalada Nairobi.

Peter Omweno Momanyi, oo 24 sano jir ah ayaa xiliga ay ciidamada booliiska qabanayeen xirnaa dharka dumarka, waxaana ninkan lasocday saaxiibkiis oo lagu magacaabo John Muchiri Kimani, oo isna 25 sano jir ah.

Qabashada burcadan ayaa kusoo aadaya xili magaalada Nairobi kusoo kordheen kooxaha burcada ee dadka dhaca iyo afduubka u geesta, waxa ayna ciidamada booliiska xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcada ah.


Related posts

Shacabka Caynaba Oo Cabasho Kamuujisay Koru-kac Ku Yimid Qiimaha Biyaha.

Heemaall

Hadal soo Jeedintii Golaha Ee Xildhibaanka Reer Awdal Oo Dood ka Abuuray Baraha Burshada.

Heemaall

Sababta Dowladda Qatar U Xirtay Nin Kenyan ah Oo la Shaaciyay

Heemaall