Heemaal News Network
somali

Booliiska Muqdisho Oo soo Bandhigay Kooxo Burcad ah Iyo Hub Lagu Qabtay.(Sawiro)

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay hub iyo maandooriye lagu soo qabtay Howalgal ay Muqdisho ka Sameeyeen.

hubka la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qoryo Tooreeyo, bastoolado, rasaas iyo waxyaabo kale oo loo adeegsan jiray in dadka lagu dhaco.

Afhayeenka Booliska Somalia ayaa sheegay in sidoo kale howlgalada ka socda magaalada lagu soo qabtay noocyada Maandooroiyaha sida xashiishka iyo khamriga oo noocyo kala duwan leh.

Sidoo kale, Booliska ayaa soo bandhigay rag burcad ah oo watay hubka la soo qabtay kuwaasoo la soo xiray iyagoo ku howlan dhaca dadweynaha.

Cabdifitaax Aadan Xasan waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho aan lagu arki karin Ciidamo hub ku dhex wata, marka laga reebo Ciidamada ka shaqeynaya sugida Amniga.

Related posts

Dalad ay ku Midaysan Yihiin 65 Urur Somali ah Oo Looga Yeeray Maxkamada Nederlands.

Heemaall

Dawlada Hoose Ee Borama Oo Bixisay Qandaraasyo Lagu Dhisayo Wadooyin Cusub.

Heemaall

Somaliland Oo Beenisay inay Dad ka Tarxiishay Deegaanadeeda

Heemaall