Heemaal News Network

Booliiska Oo Hargaysa ka Bilaabay Raafka Qoomiyada Oromada Oo kusoo Batay.

Ciidanka Socdaalka Somaliland (Immigration) ayaa saaka gudaha magaalada Hargeysa ka bilaabay hawl-gal ballaaran oo lagu raafayo dadka ajaanibta ah gaar ah dadka qowmiyadda Oromada eek u nool Magaaladaas.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Magaalada Hargeysa waxaa kusoo badanayay dadka ajaanibta ah gaar ahaan qowmiyadda Oromada oo qaarkood ka dawarsanaya.

Dad u badan Wariyeyaal ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Baraha Bulshada soo dhigayeen Sawirada Rag kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ka dawarsanaya gudaha Magaalada Hargeysa, taas oo keentay in Ciidamada ay tallaabo qaadaan.

Ciidanka Socdaalka Somaliland aya goobo gaar ah geynayay dadka ay qab qabteen, iyada oo aysan fah faahin ka bixin sida ay ka yeelanayaan, hayeeshee warar soo baxayay ayaa sheegaya in Itoobiya dib loogu celin doono.

Related posts

Maraykanka Oo Shaaciyay Saldhigyo Uu ka Burburiyey Al-Shabaab.(Akhriso)

Heemaall

Senator Qaydiid Oo Beeniyay Hadal Lagu Weeraray Puntland Iyo Jubaland Oo Laga Baahiyay

Heemaall

Wasaarada Qorshaynta Oo Xisaab Xidh Ka Rabta Hay’adaha Ka Hawlgala Soomaliya

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More