Heemaal News Network

War Laga soo Saaray Sadex Haween Xaamilo ah Oo Lagu Dilay Muqdisho.(Sawiro)

Booliiska Soomaaliya ayaa faah faahino ka bixiyay dil argagax leh oo saakay kooxo hubeesan xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile ugu geesteen sadex haween ah oo la sheegay in labo kamid ah xaamilo ahaayeen.

Haweenkan ayaa la dilay xili ay mooto bajaaj u raacayeen Wasaarada gaashanadhiga oo la sheegay in nadaafad ahaan uga shaqeyn jireen, waxaana labo kamid ah haweenka la dilay ahaayeen walaalo sidoo kale xaamilo ahaa halka gabadha kalana dumaashidood aheyd.

War kooban oo kasoo baxay booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in haweenkan ay dileen kooxo argagaxiso ah, waxa ayna sheegeen booliiska in haweenkan la dilay iyaga oo caruurtooda u raadsanayay nolol.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah ayaa lagu yiri” Qoraalka booliska.

Dilkan saakay magaalada Muqdisho loogu geestay haweenkan ayaa argagax badan galiyay dad badan, waxaana haweenkan la dilay oo wada dhashay labo kamid ahaayeen xaamilo shaqo nadaafad ugu xamaali jiray caruurtooda.

Related posts

Ciidanka Itoobiya Oo Magaalo Muhiim ah Caawa kala Wareegay Ciidamada TPLF.

Heemaall

Dawlada Fadaraalka Oo Ka Jawaabtay Cagaa Juglaynta Mucaaradka

Heemaal

Muwaadin Norwiij Ah Oo Maxkamada Hargaysa Dil Ku Xukuntay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More