Heemaal News Network

Booliska Australia Oo Toogasho ku Dilay Wiil Soomaali ah.

Booliska gobolka Queensland ee dalka Australia ayaa maanta aroortii hore bartamaha magaalada Brisbane ku toogtay wiil Soomaali oo da’diisa lagu sheegay inuu ahaa 22-jir.

Raage Maxamed Caabi, oo ah wiilka ay dileen booliska gobolka Queesland ayaa hore u wajahayey dacwado aan cadeymo buuxa loo helin, sida uu sheegay aabaha dhalay wiilkaas oo wareysi siiyey idaacada VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga.

Booliska toogtay ayaa qiil uga dhigtay falkaasi inuu Raage halis geliyay naftooda, kadib markii ay sheegen in uu midi ku hubeysnaa xiliga ay tooganayeen askartu.

Aabaha dhalay Raage ayaa sheegay in wiilkiisa uu hore cadaadis xoogan kala kulmi jiray ciidamada booliska, kuwaasi oo sanad hore maxkamad ugu soo taagay eedeymo xagjirnimo oo aan markhaatiyaal ku filan loo helin.

“Markay booliska istaajiyeen dib ayuu uga durkay, si uusan ugu muuqan Nin iyaga la dagaalamaya, balse iyaga ayaa ku durkay oo xoog ku muquuniyay kadibna waxa dhacday toogashada,” ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka oo ka waramaya sidey wax u dhaceen.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray sheegashada booliska ee u horseeday inay dilaan wiilkiisa, oo aheyd in toogashadu timid kadib markii uu weerar mindi ah ku qaaday Raage Maxamed.

Booliska Australia ayaa hore u xiray wiilkan maanta la toogtay, kaasi oo lagu soo eedeyay inuu qorsheynayay inuu ku biiro kooxaha argagixisada, isla markaana uu u safro dalka Soomaaliya si uu qeyb uga noqdo dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Related posts

Borama:-Cuqaasha Beelaha Bahabar-Celi Oo Ka Qaylisay Xubno Xasilooni Daro Ka Wada G/Salal

Heemaall

Dad Badan Oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Gobolka Darfur Ee Suudaan.

Heemaall

Ciidamada Kenya Oo Rag ka Tirsan Al-Shabaab ku Dilay Keymaha Boni soona Bandhigay Agabkoodii

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More