Heemaal News Network

Booliska Beledweyne Oo Gacanta kusoo Dhigay Koox Burcad ah Oo Ilmo yar Afduubatay.

Ciidanka booliska Magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan cunug yar oo laga afduubtay mid ka mid ah Xaafaddaha Magaalada Beledweyne.

Kooxda Afduubatay cunuga yar ayaa waalidiinta dhalay soo weydiistay lacag madax furasho ah si ay ugu soo daayaan.

Gudoomiye kuxigeenka maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan mudane Abuukar Cabdulahi Maadey ayaa kaga mahadceliyay laamaha amaanka Baladweyne oo gacanta kusoo dhigay cunugyar oo lagu aftuubtay xaafada howladaag kadibna lacaga madaxa furasha ah la soo weydiiyay waalidkii dhalay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii ka dambeeyay, islamarkaana baaritaano deg deg ah lagu sameyn doono.

Gudoomiye Abuukar ayaa booliska ku boogaadiyay si durbadiiba ay falkaan kaga hortegeen.

Related posts

Jubbaland Iyo Puntland Oo Mowqif ka Qaatay Khilaafka Doorashada.

Heemaall

Wakiilka QM Oo ka Hadlay Caqabadaha Somalia ka Heysta Arrimaha Doorashooyinka.

Heemaall

Shir Xaasaasi ah Oo Caawa U Furmay Madaxda 3 Maamul goboleed iyo Midowga Musharaxiinta

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More