Heemaal News Network
somali

Booliska Kenya Oo Dilay Rag Hubaysan Oo soo Weeraray Wajeer Iyo Hub Laga Qabtay.(Sawiro)

Laba Nin oo hubeysnaa ayaa waxaa lagu dilay rasaas ay boolisku ku fureen deegaanka Dadajabula, oo ka tirsan degmada Wajeer, ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya

Ciidamada Booliiska Magaalada Wajeer ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen afar qori oo AK47 ah iyo in ka badan 300 oo rasaas ah, waxaana raga la dilay kujiray askari ka tirsan Ciidamada Booliska keydka gaarka ah.

Sidoo kale qofka labaad ayaa isna Ciidamadu sheegeen in la aqoonsaday, in kastoo aysan fah faahin ka bixin waxa uu ahaa.

Sida ay boolisku sheegeen koox iyaga ka tirsan ayaa howlgal ka waday aagga Dabadarer oo ka tirsan gobolka Habaswen markii ay la kulmeen dableyda, taasoo dhalisay is -rasaaseyn.

Askariga booliiska ee israsaaseynta ku dhintay ayaa la ogaaday inuu ka yimid qaybta Magalada Dhadhaab laakiin waxaa la rumeysan yahay inuu howlo u Shaqo u joogay aagga.

Marka laga reebo 316 xabbadood oo la helay, booliisku waxay sheegeen inay sidoo kale soo heleen, laba jaakado oo kuwa milatariga ah, afar taleefoon gacmeed iyo baal qorraxda ku shaqeeya.

Taliyaha bilayska gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgallada roondooyinka ah ee gobolka si wax looga qabto weerarada goos gooska ah ee uga imaanaya Al-Shabaab iyo kuwa taageera.

Wuxuu ku booriyay inay la yimaadaan iskaashi ka dadka deegaanka & dadaalo wax looga qabanayo amni -darrada mararka qaar ka dhaca degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.

“Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan u hubin lahayn inaan xakameynno howlahaan carqaladaynaya horumarka. Waa waajib qof walba saaran inuu xaqiijiyo inuu jiro amni, ”ayuu yiri Bunei.

Degaannada Gobolka Waqooyi Bari ayaa wajahayay caqabado amni bilihii la soo dhaafay sababo la xiriira weeraro ay geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al -Shabaab oo ka tallaaba xadka Soomaaliya.

Bishii June, ayaa maamulka degmada Mandheera lagu qasbay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqa gaadiidkooda, kadib markii ay kordheen dhacdooyinka la xiriira weerarada Al-Shabaab.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Oo loo Heysto Hees Uu Si-xun U Qaaday.

Heemaall

Beesha Habar Jeclo Oo Baaqyo Kala Duwan U Diray M/Biixi Iyo Xisbiyada Mucaaridka Ah

Heemaall

Dawlada Oo Sheegtay Inay Fashilisay Qarax ku Wajahnaa Guriceel.

Heemaall