Heemaal News Network
somali

Booliska Kenya Oo Gacanta ku Dhintay Hub iyo Dadkii Watay

Ciidamada Booliska magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen hub kaas oo laga helay xaafadda Iftin ee dowlad deegaankaasi.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in hubka uu ka kooban yahay 4 qori ah iyo 203 xirmo oo rasaas ah, sidoo kalena la xiray Saddex ruux oo hubkaasi watay.

Sidoo kale Boolisku waxaa ay sheegeen in ay ku raad joogaan dhowr qof oo lala xariirinayo hubkaas, kuwaas oo lagu haayo baaritaano dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ka tirsan yihiin.

Booliska ayaa waxaa ay sheegeen inay rumeysan yihiin in hubkan loo qorsheynayay in weerarro looga fuliyo meelo kamid ah dalka Kenya, waxaana ay Bulshada ugu baaqeen inay laamaha Amniga kala Shaqeeyaan sugida niga.

Related posts

Shabaab Oo Tuulooyin Dhan Gubtay

Heemaall

Olole ka Bilowday Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya.(Sawirro)

Heemaall

Haweenka Iyo Odayaal Reer Baki ah Oo Eedeyay M.kux.Saylici

Heemaall