Heemaal News Network
somali

Booliska Oo ka Hadlay Macalin Dugsi Quraan Oo Xaaskiisu Sun ku Dishay.

Taliska Ciidamada Booliska Dagmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dhacdadii Xalay lagu dilay Macalin Cumar Macalin Maxamud oo la sheegay in Xaaskiisa ay ku dishay Sun ay ugu dartay Raashinka.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada beledweyn laba Xidigle Maxamed Maxamuud Rooble Qorsheel ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada Xaafada Xaawa Taako oo uu falka ka dhacay lagu soo qabtay Wiilal yar yar oo loo adeegsaday dhacdadaas Haweeneyda ay Ninkeeda ku siisay Sunta.

Dhinaca kale Taliyaha Saldhiga Booliska degmada beledweyn laba Xidigle Maxamed Maxamuud Rooble Qorsheel ayaa uga digay Ganacsatada inay iibiyaan sunta halista ah ee dadka disha, isla markaana qofkii iibiya, iyada oo aan fasax ka heysan laamaja Amniga tallaabo laga qaadi doono.

Alle ha u Naxariistee Meydka Macalin Cumar Macalin Maxamud ayaa Maanta lagu Aasay Magaalada Beledweyne, iyada oo Aaska ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Xaafada Xaawa-Taako ee Magaalada Beledweyne.

Related posts

Kolonyo ay la Socdeen Ciidamo ka Tirsan AMISOM Oo Lagu Weeraray Jubada Hoose.

Heemaall

Madaxwaynaha Milatariga Ee Mali Oo Lagu Weeraray Salaadii Ciida Odxa.

Heemaall

RW Rooble Oo Magacaabay Agaasimayaal Guud.

Heemaall