Heemaal News Network
somali

Booliska Oo ka Hadlay Somali Dil Bareer ah Loogu Geystay Jarmalka

Boliiska dowlada Jarmalka ayaa Saxaafadda u sheegay in nin Soomaali ah oo 43 sano jir ah uu wax mindi ama dhalo u eg ku dilay nin oday ah oo 79 sano jir ah magaalada Ludwigsburg.

Saraakiisha Booliska ma sheegin magaca ninkan Soomaaliga ah ee dilka geystay oo hadda xiran.

Sababta uu u dilay weli lama oga hase ahaatee Booliska ayaa sheegay in Baaritaan xooggan uu weli socdo, ayna muuqaalo caddeymo ahaan ay dad meesha joogay u duubeen.

Ninka 79 sano jir ah ee la dilay ayaa la sheegay inuu yahay qof cadaan ah oo u dhashay dalka Jarmalka.

Soomaalida ku nool Jarmalka ayaa lagu qiyaasaa iney badan yihiin 70 kun oo qof, kuwaasoo intooda badan ku galay dalkaas qaab tahriib ah.

Related posts

Hargaysa:-Wasiir Maxamed Kaahin Oo Mamnuucay Dalxiiska Maalmaha Ciida.

Heemaall

Madaxwaynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Gabilay.

Heemaall

Bandow Afar Cisho ah Oo Lagu Rogay Xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Heemaall