Booliska Somaliland Oo Raadinaya Laba Masuul Oo Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Hadheeyay Baanka Dhexe Ee Berbera

Wararka Kasoo Baxay Baanka Dhexe Ee Berbera Ayaa Sheegaya In Labo kamida Shaqaalaha Baanka Booliisku Raadinayo, Waxaan wararku Sheegayaan in wax Isdaba Marin Lacageed Aay ka Dhacday Baanka dhexe Ee Berber,

Illaa Iminka Lama garan Karo Cadadka lacagta Ah Ee la Musuq Maasuqay , Laakiin Illo Wareedyo Ayaa xaqiijinaya In Aanay Badnay Lacagta la Isdaba Mariyay ee uu Ogaaday Maamulaha Cusub Ee Baanka Berbera,

Wararka Qaarkood Aya Sheegaya In Mid Kamida labadii Shaqaalaha Ahaa ee Loo Tuhmayay wax Isdaba Marinta La qabtay, Halka ka kalena uu u baxsaday hargaysa, Arinkan Ayaa soo Baxay Uun maalintii sabtidii shalay, Iyadoo Maamulaha Baankuna Heegan Culus galiayay qaybaha Xisaabaadka ee Baanka ,si Baadhis Xoogan Loo galo ,