Heemaal News Network
somali

Booliska Somaliland Oo Xir=xiray Rag Fal Dambiyeed ka Geysaneyey Hargaysa

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaro dhawaan dab qabadsiinayay goobo ganacsi ku yaalla bartamaha magaalada Hargaysa.

Raggan ayaa waxaa qabtay Kamerada Qarsoon iyagoo ka koobnaa 4 dhalinyaro ah. iyagoo dab qabsad siinayay Meherada horteeda, waxaana gacanta lagu soo dhigay laba ka mid ah oo lagu kala magacaabo

1-Cabdilaahi Jaamac Cabdilaahi oo 20 jira ahna kii Dabka meherada ku waday.

2-Cabdiqani Faarax Maxamed oo Axmed 23 jir ah.

“Dedaallo ay sameeyeen Ciidanka Booliska Somaliand ayaa Saacaddo gudahood gacanta kusoo dhigay labadan eedaysane halka ay ku raad-joogaan 2 eedaysane ee kale oo Ciidanku aqoonsaday, Waxaanan si degdega u horgaynaynaa sharciga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska oo intaa ku daray in la baarayo sababta kooxdan ay dabka u qabadsiin rabeen goobtaas ganacsi.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa u digay cid kasta oo isku dayda khalkhal gelinta Nabadgalyada, waxyeellada hantida shacabweynaha iyo wax kasta oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland in ay ku qaban doonnaa gacan bir ah.

“Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsanayaa in ay kor u sii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka booliska

Related posts

Booliska India Oo Xiray Nin Haweenka Muslimiinta Internedka ka Beecinayay.

Heemaall

Midawga Africa Oo ku Adkeysanaysa Ergayga Ay U soo Magacawday Somaliya

Heemaall

Saldhigyo ay Lahaayeen Al-Shabaab Oo Duqeymo Cirka ah Lagu Burburiyey

Heemaall